Khasaare ka dhashay iska horimaad Xalay ka dhacay Bosaso

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana wey ku dhaawacmeen isk horimaad xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaas u dhaxeeyay ciidamado ka tirsan Puntland iyo dabley hubeysan.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay bar kontorool oo ciidamada ammaanka Puntland  ay ku leeyihiin dhinaca koonfureed ee magaalada Boosaaso, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen dabley hubeysan oo aan heybtooda lagaraneyn.

Dableydii weerarka soo qaaday ayaa daqiiqado ka dib ka baxsatay goobta uu weerarku ka dhacay, mana jirin cid ay ciidamada Puntland u soo qabteen falkaas, sida ay xaqiijiyeen Sarakiisha Aminiga ee gobolkaas.

Magaalada Boosaaso ayaa hooy unoqotay muddooyinkii danbe falal lid ku ah Amniga, iyadoo gobolkaas ay ka howlgalaan kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST