Liverpool iyo Chelsea oo dhibcaha ku qeybsaday Anfeild Stadium

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa xalay ciyaar xiiso badan  oo ka tirsan horyaalka England ee Premier League-ga waxay ku dhexmartay garoonka Anfeild.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo kooxda Liverpool ay isku dayaysay koontaroolka ciyaarta ilaa daqiiqadii ugu danbeysay.

Chelsea ayaa  daqiiqadii 24-aad  gool la hormartay waxaana hogaanka u dhiibay David Luiz markii uu si lama filaan ah laad xor ah shabaqa dhex dhigay wuxxuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Liverpool ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta, ka dib markii Georginio Wijnaldum uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu caawinteeda lahaa James Milner inkastoo ay kusii dhacday Victor Moses, waxuuna ciyaarta ka dhigay 1-1.

Diego Costa ayaa ka khasaariyay kooxdiisa gool ku laad daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta, waxaana si tartiib ah u badbaadiyay Simon Mignolet, wuxuu u ahaan lahaa goolkiisii 16-aad ee horyaalka balse ma dhicin inuu dhameystiro xidiga reer Spain.

Labada kooxood midna kuma guuleysan iney helaan goolka  guulsha , waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 1-1, Chelsea ayaana heshay faa’idada ugu badan maadaama kooxda Arsenal ay dhibco lumisay kulankii ay la ciyaarayeen Watford oo lagu garaacay 1-2.

Chelsea ayaa haatan 9 dhibcood oo nadiif ah ku haysa hogaanka horyaalka England , waxayna leedahay 56 dhibcood, halka kooxda kusoo xigta ee Tottenham oo xaly bar baro la gashay Sunderland ay leedahay 47 dhibcood,  iyagoo  isku dhibco ah Arsenal ,halka Liverpool ay ku jirto kaallinta 4-aad.

PUNTLAND POST