Magaalada Muqdisho oo maanta Internet la,aan ah

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka jirta Internet la’aan ka dib markii cilad ku timid shirkaddii ugu weyneyd ee bixin jirtay adeegga Internet-ka.

Internet-ka ayaa go’ay seqdii dhexe ee xalay, kadib markii shirkadda Fibre Optic oo bixisa adeegga Internet-ka ee Magaalada Muqdisho ay ciladi ku timid.

Shacabka magaaldda Muqdisho ayaa maanta dareemay Internet la’aanta soo wajahday iyadoo aysan shaqeynayn Xawaaladaha, shirkadaha Isgaarsiinta iyo dhamaan ganacsiga Internetka ku shaqeeya.

Shacabka Somaliyeed ee adeegsata adeegyada Internet-ka ayaa sanadihii ugu dambeeyay aad u soo badanayey.

PUNTLAND POST