Madaxweynaha Puntland oo Qardho kaga qayb galay xaflad lagu sagootinayey Arday

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 January 2017 kaga qayb galay magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar xaflad lagu sagootinayey arday dhamaysatay tababar ay kaga faa’idaysteen casharo diini ah iyo kuwo maadi ah.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku amaanay maamulka waxbarasha gobolka Karkaar, Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Qardho iyo Mu’asasada Al-mihnaaj ee dacwada iyo horumarinta oo iyagu fulinaysey tababarkani ay ka faa’idaysteen ardayda ka socdey dugsiyada sare ee gobolada Puntland sida wanaagsan ee ay ugu dhiirradeen inay wakhtiga uga faa’ideeyaan ardayda.

sidoo kale madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay inay muhiimtay in lagu kordhiyo tababarka oo sanad kibai mar laqabto arrimaha wadaniyadda oo laga daadajiyo ardayda waajibaadka ka saaran dalkooda iyo dadkoodaba.

” in dhalin yarada loo yeero, la wacyigeliyo, latababaro, loogana faa’deeyo inay bartaan arrimaha wadaniyada waa mid muhiima runtii waxaana idinku kordhin lahaa inaad arrintaa xil gaar ah iska saartaan si ardayga muwaadinka ah loo baro xuquuqda uu dalkiisa ku leeyahay iyo tan isaga lagu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha dalwadda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo markale ku ammaanay qabanqaabiyayaasha tababarka sida ay muhiimadda gaarka ah u saarayaan kor u qaadista  aqoonta da’yarta reer Puntland isagoona ku boorriyey in ay sii wadaan tababarrada noocaan oo kale ah si kor loogu qaado garaadka iyo aqoonta da’yarta soo koreysa.

–DHAMMAD–

 XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

 

 

.