Xil-DHibaanow kala garo murashaxiinta! – MAQAAL – Axmed-Yaasiin max’ed Sooyaan!


{Murashaxow xafiiska aad rabto in lag doorto qiimihiisa 30 kun oo dollar iyo lacag ma gooyso!…}

Murashaxiintii xilka madax-weynaha way is diiwaan geliyeen, waase yaab oo ma yara! Ragga madax-weynaha isu soo rashaxay  in nin kasta oo ka mid ah uu bixiyay 30 kun oo dollar si uu xilkaas ugu tartamo, taas maxaa lagu macnayn karaa?! Hadda su’aasha faham ma aha madax-weynaa lagaa dhigayaa ee waxaa weeye madax-weynaad u tartamaysaa!  Waa dhab in markii hore uu ahaa qorshe ay Xasan SHiikh Max’ud iyo kooxdiisii uu ku magacaabay Guddiga Doorashada ay ugu talo galeen in la waayo cid lacagtaas haysata oo la tartan Xasan SHiikh, laakiin hadda waxay noqotay dayn….shaki kuma jiro in dadka lacagtaas bixiyay qaar ka mid ah ay arkeen khatarta uu wadanka ku suganyahay oo ay doonayaan inay badbaadiyaan, laakiin kuwo badan oo kamid ahna waxay rumaysanyihiin lacagtaas iyo ka badanba inay xafiiska ka helayaan! Macnaha dayn dul saarkeedu yahay 1000%!…….Mar I dage Alle ha dago!…Xil-DHibaannada codeynay waa inay xafiiska loo tartamayo qiimihiisa baraan dadka, waxa keliya ee lagu tagana inuu yahay rabitaanka dad-weynaha!

Maalin kasta, dad aan naqaan baa ina lug-gooya, waa wax yaab leh! Siyaasiyiinta anshaxii annagaa ka dhuminay, maxaa yeelay kii ina xumeeya, ina dhaca, isku kaaya dila lama xisaabtano, kii wax ina tara, daacad inoogu shaqeeya, iska dhaaf inaan abaal marinee ama aan u mahad celinee wuxuu nasiib leeyahay haddii uu ammaan innaga helo!….Abaal darradaas wax ay salka ku hayso ma aqaan, kolayba dhaqan Soomaaliyeed kama soo jeedo!… waa wax yaab leh, qofka abaalkuu galo in looga mahad celiyo waa arrin qof kasta uu garan karo, xataa xayawaanka!…sidee bay wax yihiin?!….Qof kasta oo ummadda iyo dalkaba wax ku ool u ahaa dalkii waa laga ilaaliyay!……maalin walbana waxaa daba yaacaynaa kii shalay ina dhacay, ina xaday, ina kala dilay, isku kaaya dilay, iyagana innaga baqi maayaan , oo innaga xishoon maayaan, maalin kasta xil bay doonayaan inay inoo qabtaan, waligoodna ma aysan arag oday iyo wax garad ama guud ahaan shacab iska yurreya!…..oo?!….imh! eeeeeee!….Bal adigu yaabkaas ka sheekee!…

Murashaxow maxaan kugu dooranaa?!….annaga kugu dooran mayno Maraykan inuu ku wato, Ingiriis inoo ku wato, Turki inuu ku wato…kugu dooran mayno dowlad ku wadata ee maxaan kugu dorannaa?!….waxaan rabnaa madax-weyne dadkeenna heshiisiiya, waxaan rabnaa madax-weyne ciidammadii Xoogga Dalka dhisa, waxaan rabnaa madax-weyne wax ka qabta aajnabiga dalkii buux dhaafshe ee sharci ay ku joogaan ama ku yimaadeen aan la aqoon, waxaan rabnaa madax-weyne diidi kara waxaan u cuntamin! Waxaan rabnaa madax-weyne markuu gaajoodo uusan miyirka ka tageyn!……marka adigu, ma tahay kaas?! Iyo weydiinta ugu sahlan oo ah, maxaad ku cadayn karaysaa lacagta 30kun oo dollar ah ee aad isku diiwaan gelisay inaad  si sharci adiga u lahayd oo aysan ku jirin am ahayn lacag shisheeye ku soo siiyay, ama mid ka soo gashay xafiisyadii aad soo qabatay?! …..

{Arrintu waa Mar I Dage Alle Ha Dago, Mar Labaad I Dagase Anigaa Is Dagay!}

Bal marka hore madax-weynaha hadda xafiiska baneeyay Xasan SHiikh Max’ud, isaga in la yaqaan iska dhaafee wali raadkiisii baa muuqda, waxaana ugu dambeeyay raadka ka muuqda qaabka uu u maamulay nidaamkii doorashada si aan loola tartamin, si uu u hubiyo in qofka soo bixi kara uu keligii  noqdo, wuxuuna sameeyay oo uu sal-dhig dhufeys oo adag ka samaystay wax uu u bixiyay Madasha Wada Tashiga Soomaaliyeed, iyo  guddi  doorasho  oo  sharcigoodu ahaa “Kii Kula Jiraan La Jirnaa, Kii Kaa Jiraan Ka Jirnaa!” isagoo gacan fiican ka helaya madaxda maamul goboleeddada oo iyaga u oomanaa awood inay ku yeeshaan soo xulidda xil-dhibaannada cusub, iyo Max’ed Cusmaan Jawaari, af-hayeenkii barlamanka, hadana mar kale ay xil-dhibaannda cusub isagii soo doorteen, anigu u hambalyeyn maayo laakiin waan ku ixtiraamayaa inuu yahay mudane, iyo  inuu yahay guddoomiyihii golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana aan rajo weyn ka qabaa in xil-dhibaannada soo doortay ay mas’uul ka noqdaan si uusan ugu xad gudbin awoodda af-hayeenimo iyo guud ahaan qaynuunka golaha shacabka….waxaa sidaasoo kale gacan fiican siiyay ra’iisal wazaarahii hore Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke oo isaguna hadda ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xafiiska madax-weynaha…..

Xasan SHiikh Max’ud muddadii afarta sano ahayd ee uu xafiiska joogay  seddex sano oo ka mid ah wuxuu ka dhammaystay dagaal uu ku hayo xafiiska ra’iisal wazaaraha, maamul goboleeddada dhismayay, deegaannada qaarkoodna waxaa ka dhacay dagaalo lagu sheegay inuu isaga soo abaabulay, sida SHabeelaha-Hoose (wali colaadahaas waa jiraan) SHabeelaha-DHexe, Hiiraan, iyo Mudug, waxaana dhammaan ra’iisal wazaarayaashii ay is qabteen u garba duubay Af-hayeenka Jawaari ee mar labaad xil-dhibaannadu soo doorteen, waxaan xusid mudan in Max’ed Cusmaan Jawaari uu ka faa’iday habkii ay qorsheeyeen Madashii wada tashiga (Michael Keating, wakiilka QM. xubin buu ka ahaa) ayna fuliyeen guddigii doorashada, waayo, waa marka horee shuruuddii lacagta 15kun dollar ahayd waxay tartankii ka hor joogsatay dad badan oo Jawaari kaga haboonaan lahaa xilkaas, raggii la tartamay Jawaari marka aad qiimayn ku samaysana waxay ahaayeen labo qayb; Cabdi-Rashiid Xiddig oo isagu nidaamka ku soo jiray kana mid ahaa oo aan wax badan Jawaari ka duwanayn, siiba marka ay timaado musuqmaasuqa iyo siduu nidaamka ula soo shaqeeyay, Geeseey iyo DHaqtar iyagana siyaasad ahaan kama fogeyn nidaamka.

Sanadkii 4aad ee Xasan SHiikh Max’ud uu xafiiska joogay waa sanadkii tegayee wuxuu ku dhamaystay ololihiisii doorashada isagoo si aan gabbasho lahayn xeer kasta u jebinaya, isla markaasna qaynuun ka dhigaya inaan musuqmaasuqa sharciga hortiisa danbi ahayn oo banaanka lala yimaado ilaa heer la kala garan waayay ganacsigii iyo laaluushkii, taasoo si cad u muujinaysa inuusan rumaysnayn inay jirto oo aan ahayn inuu laaluush iyo khayaano ku soo baxo…..Mar I Dage Alle Ha Dago, Mar Labaad I Dagase Anigaa Is Dagay!…

Waxaa isna tartamaya oo Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke, ra’iisal wazaarahii u dambeeyay, waxayna ahayd markii labaad ee uu xilkaas qabto, mana jirin wax weyn oo lagu xasuusta oo uu labdaaas xilli soo qabtay ama uu isku dayay oo la sheego, hasa ahaatee hadda intii uu xilka hayay wuxuu ku daabnaa oo keliya talada Xasan SHiikh Max’ud, mana aysan jirin wax fikir ahaan ama talo ahaan  muuqda oo ay isaga iyo Xasan SHiikh Max’ud ku kala duwanaayeen, wuxuu marar badan Xasan SHiikh ergo uga noqday arrimo aad moodaysay inuusan ka fiirsan inuu ergo ka noqdo, sida khilaafkii soo dhex galay Xasan iyo oday dhaqmeedyada gobolka Hiiraan…..waxaana la oran kara ilaa iyo hadda oo ay labada ninba yihiin murashaxiin u tartamaya xafiiska madax-weynaha Soomaaliya ma jiraan wax weyn oo dhaqankooda siyaasadood uu ku kala duwanyahay siiba marka ay timaado arrimaha musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta….waxaana xusid mudan in Cumar Cabdi-Rashiid iyo xukuumaddiisii xilligii uu madax-weynaha ahaa SHiikh SHariif Axmed lagu eedeeyay muranka  ilaa iyo maanta taagan ee badda Soomaaliyeed la geshay….Mar-I Dage Alle Ha Dago, Mar Labaad I Dagase Anigaa Is Dagay!…

SHariif Axmed SHiikh, madax-weynihii hore, waxa ugu weyn ee maamulkiisa oo dhan ka muuqanay waa muranka biyaha Soomaaliyeed la geshay, waxaana SHariif Axmed Shiikh ceeb ku ah inuu mar kasto sheego inuusan arrintaas wax kala socon, taasoo macnayn karaysa jileec aad u weyn oo ay ka muuqanayso dayacaad mas’uuliyadeed oo aan loo dul-qaadan karin….Laakiin SHariif Axmed wuxuu ku guuleystay oo arrin mudnaanteeda lahayd ah inuu si geesinimo leh wax ula qaybsaday dhinacyadii ay siyaasadda isaga soo hor jeedeen, wuxuu xiriir fiican oo heer wanaagsan gaaray la yeeshay maamulkii Puntland oo xilligaas uu madax-weyne ka ahaa urashax Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole, Gal-Mudug, oo uu madax-weyne ka ahaa Max’ed Axmed Caalin, wuxuu sidaasoo kale xiriir dhow la yeeshay ururkii Ahlu-Sunnah, halka Xasan SHiikh Max’ud colaadda iyo inuu burburiyo ku bilaabay isagoon awooddaas lahayn, waxyaabo laysku khilaafsanaa ha jiraan laakiin waxaa muuqday is af-garad soo kobcayay rajo fiicanna ay ka muuqatay, musuqmaasuq waa jiray laakiin marna uma dhoweyn heerka uu maamulka Xasan SHiikh Max’ud gaarsiiyay, waxayna u ekeyd arrintu in wali qaynuun iyo xeerar la dhowrayo ay jiraan!….Mar I Dage Alle Ha Dago…..

Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur  Warsame, wuxuu ahaa waziirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee dowladdii u dambaysay ee  ku-meel gaarka ahayd, waana ninka saxiixay heshiiska (Memorandum Of Understand) ee dhaliyay muranka iyo in  Kenya ay damaaciso inay wax ka bedesho xadka xudduudda biyaha ee ay Soomaaliya la wadaagto. SHariif Axmed SHiikh waxaa in la weydiiyo ay tahay haddii uusan arrintaas markii hore waxba kala socon isaga ra’iisal wazaarihiisii Cumar Cabdi-Rashiir Cali Shar-Ma-Arke, markii ay ogaadeen maxay talaabo qaadeen?….Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur dad badan waxay qabaan in arrintaan saxiixeeda ay la ogaayeen madax-weynihii xilligaas SHiikh SHariif Axmed iyo ra’iisal Wazaarihii waqtigaas Cumar Cabd-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke, laakiin Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur waxaa in la weydiiyo ay tahay, side buu u saxiixay heshiis uusan horay ugu soo talo gelin, oo ay soo qoreen niman qareenna ah isaga oo aysan la socon niman yaqaan xeerarka caalamiga ah ee u dhigan xudduudaha badaha dunida?!….sidee buu ugu dhiirrada inuu saxiixo?!…..Mar I Dage Alle Ha Dago, Marlabaad I dagese Angaa Is Dagay!….. Sidaas oo kalana xubnaha kale murashaxiinta ah yeeysan heer federal gaarin laakiin waxay u badanyihiin rag la yaqaan!……

{Musuqmaasuqa uu Keating hadda arkay ama uu ka digayo muxuu yahay?!}

Waxaa la yaab leh musuqmaasuqa uu ayaamahan Michael Keating ka hadlo oo uu leeyahay ma aqbali doono madax-weyne musuqmaasuq ku yimaada ama lagu soo doortay!….Keating muxuu uga jeedaa hadalkaas, yuu rabaa inuu marin habaabiyo?!….muxuuse hadda markii ay doorashada madax-weynaha soo dhowaatay u bilaabay?!…Wax la garan karo ma aha dabeecadaha iyo siyaasadaha Jah-wareerinta ku salaysan ee mararka qaarkood lagala kulmo ergooyinka shisheeyaha ah. Michael Keating wuxuu ahaa xubnihii miiska fadhiyay ee wax ka diyaariyay musuqmaasuqa baahay ee saameeyay hannaankii dorrsahada Soomaaliyeed!….Sifo kastaba ha ku fadhiyee wuxuu ka mid ahaa xubnihii gooyay heerarka iyo qaababka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya, wuxuu wax ka ogaa lacagaha lagu soo rogay murashax kasta oo doorasho isu soo taagay;  5kun haweenka xil-dhibaaninimmada u tartamayay, 10kun raggii xil-dhibaaninimmada u tartamayay, 15kun qofkii u tartamayay Af-Hayeenka golaha  shacabka, 30kun qofkii u tartamayay madax-weynenimmada, waxaas oo dhan raali buu ka ahaa oo musuqmaasuqa kaas ka weyn ee uu diidayo muxuu yahay?! Qaylada Michael Keatinga, iyo Itoobiya hal ujeeddo keliya bay leeyihiin waxaana loo macnaysan karaa in tartanka ay soo galeen dad ay is lahaayeen lacagta 30kun oo dollar ah ma heli karaan!….hanjabaadda Keating ee ah inaysan aqoonsanayn madax-weynahii musuqmaasuq ku soo baxana waxaa loo qaadan kara inuu u sii afeefanayo sidii ay u diidi lahaayeen haddii uu soo baxo nin aysan rabin!….laakiin aan sugno, ha lays barto!…..

{Xil-DHibaannada labada aqal aad baan ugu kalsoonnahay!}

Ninkii doonaa ha iska hadlo!….waxaa caado iska noqday wax ka sheegista Xil-DHibaanada iyo dhaliishooda, uma malayniyo inay taas dhab tahay. Mid iyadu waa dhab oo mar haddii ay iyagu yihiin kuwii wakiilka ummadda ka ahaa wixii wadanka ka halaaba in iyaga lagu eedeeyo waa arrin qabata oo waa arrin dow ah, laakiin, arrimaha aan ku eedaynayno waa kuwa ay innaga innaga arkeen, waa kuwo annaga shacabka ah aan qabno, waana siyaabaha aqal kasta oo Soomaaliyeed looga fekero, marka miyeysan haboonayn inaan annaga laf ahaanteena ku sifowno dhaqanka aan iyaga ka rabno!….miyeysan ahayn in ardayda dugsiyada loogu dhigo oo lagu baro….Waxaase iyaga u gaar ah inay soo xulaan, soo doortaan, nin geesi ah oo marka hore naftiisa ku qasbi kara waxa looga jid leeyahay, ka dibna isagoo rumaysan inuu naftiisa ku qasbi karo wax looga jid leeyahay soo hor fariisan dadka Soomaaliyeed!….Waxaa looga baahanyahay inay soo doortaan nin si af muggiis ah u dhihi kara “Waan diiday” wixii uu u arko inaysan dadkiisa iyo dalkiisa qaban!….. Murashaxiinta 24ka ah waxay u badanyihiin niman la yaqaan oo soo shaqeeyay, markaas Xil-DHibaannada waxaa looga baahnyahay aqoonta ay mid kasta u leeyihiin inay noqoto  mid sal dhig u ah miizaanka iyo qiimaynta ay ku samayniyaan murashaxiinta, taasina waxay mas’uul kasta baraysaa inuu ku talo galo xisaabtan ummadeed inuu ka dambeeyo!… Waxaana ka digaynaa inay codkooda ku bixiyaan Cabsi iyo Handdadaad ama shisheeye ha ka timaado ama gudaha!………Mar I Dage Alle Ha Dago, Mar Labaad I Dagase Anigaa Is Dagay!!

PUNTLAND POST