Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay Aas loo sameeyey sarkaal ka tirsan Madaxtooyada

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa deegaanka Dhudhudhub ee Gobolka Karkaar kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey alle ha u naxariistee Saddex-xarigle Mursal Daahir Cumar oo kamid ah ciidamada Madaxtooyada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka ilaalada gaarka ahee Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ciidamada Puntland, ehelkii, qaraabadii iyo qarankii uu ka geeriyoodey marxuun Sadex xarigle Mursal Daahir Cumar oo maalinimadii shalay 29 January 2017 ku  geeriyoodey shil gaari isagoo gudanaya waajibaadkisii shaqo isla markaana ka dhacay mid kamid ah gaadiidka ciidanka Madaxtooyada wuxuuna qayb ka ahaa safarkii Madaxweynaha ee Gobolada Bari iyo Karkaar, Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu tiiranyada la wadaagayo ciidamada iyo shacabka Dawlada Puntland isagoo sheegay in marxuum Mursal uu ahaa askari daacad u ahaa shaqada qaranka iyo waajibaadkiisa shaqo, wuxuuna Alle uga baryay inuu ugu bishaareeyo janadiisa fardowsa, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii uu ka baxay.

” inaalilaah wa inaa ilahyhi raajucuun waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan ciidamada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku sadex xarigle Mursal Daahir Cumar, waxaana uu ka mid ahaa illaalada khaaska ah ee aniga amnigayga sugayey, illahay ha’u naxariisto marxuumka denbigiisana Alle hadhaafo janadana alleh ha geeyo samir iyo iimaana alle haka siiyo ehelkii, qoyskii iyo qarabadii uu ka baxay marxuumku” ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale taliyaha ciidan ka Madaxtooyada Dawladda Puntland  gaaashanle dhexe Cabdirashiid Cabdiraxiim Ismaaciil ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyey geerida ku timi marxuunka Sadex xarigle Mursal Daahir Cumar waxaana uu tacsi u diray ciidamada Dawladda Puntland gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada Puntland, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, isagoo ka codsaday ciidamada kale ee ay shaqadu ka dhaxaysay inay cafiyaan una duceeyaan marxuumka.

“illaahay ha u naxariisto denbigiisana alle ha dhaafo Mursal waxa uu ahaa nin ehlu cibaado ah wuxuu ahaa nin edeb leh oo ka soo baxa shaqadiisa, waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan ciidanka Madaxtooyada Dawlada Puntland gaar ahaan ilaalada khaaska ah ee Madaxweynaha, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Marxuum Sadex Xarigle Mursal Daahir Cumar” ayuu yuri taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

 XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE  MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.