Liiska Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhawayd soo gaba gabeeyey diiwaangelinta musharaxiinta u taagan qabasha xilka madaxtinimada dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay diiwaangelinta xubnaha u tartamaya xilka madaxtinimada dalka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay illaa iyo hadda in ay diiwaangeliyeen 24 musharax, tan iyo 26-kii bishan.

Musharaxiinta isdiwaangaliyey ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore Dowladii KMG Sheekh Shariif Axmed, Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid, Maxadweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo R/Wasaarihii hore Dowladii KMG ee Maxamed C/laaahi Farmaajo.

Akhriso Magacyada musharaxiinta is-diiwaangeliyay

Shariif Sheekh Axmed
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
C/qaadir Cali Cosoble

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
C/raxmaan C/shakuur Warsame
Jibriil Ibraahim Cabdulle

Xasan Sheekh Maxamuud
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
C/naasir Maxamed Cabdulle
Cali Xaaji Warsame
Saciid C/laahi Dani

Maxamed Maxamuud Culusow
C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole)
Saciid Ciise Maxamuud

Bashiir Raage Shiiraar
C/laahi Ciilmooge Xersi
C/laahi Cali Gees.

Xaaji Maxamed Yaasiin
Axmed Maxamed Cabdi.
Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.
C/llaahi Cali Xasan
Maxamed cali Jabarti.

PUNTLAND POST