Ex Xildhibaan Kulalihi:- Kursiga Jaale Ugaar NO musuq-maasuq!!!

Kulalihi oo boor-weyn la maraaya Bartamaha Garowe

Xildhibaan Maxamuud Axmed oo looyaqaan “Kulalihi” wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa Baarlamaankii hore ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ee dhawaan xilalkoodii wareejiyey, hase ahaate xildhibaankan ayaa gashaanka u daruuray qaabka loo doortay kursigiisii hore ama kursiga ay Beeshiisu ku leedahay Dawlada Federaalka oo kamida ahaa xildhibaanadii lagu doortay magaalada Garowe.

Kaamirada Puntland Post ayaa qabatay arin u eg mudaharaad uu kaligiis maalmahan ka waday bartmaha Garowe xildhibaan kulalihi taas oo uu kaga cabanaayo qaabka  loo doortay kursigii xildhibaan ee uu u tartamay oo weli muran xoogani ka taagan yahay.

Kulalihi ayaa bartamaha caasimada Puntland ee Garowe kula wareegay boor-weyn oo uu ku qoran yahay “Kursiga Jaale Ugaar NO musuq-maasuq” taas oo ula jeeddo inaan si cadaalada loo dooran kursiga ay beeshiisu ku leedahay Baarlamaanka Dawlada dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu goobaha lagu qaxweeyo ku qaybinaayey warqado ay isla erayadaas ku qoran yihiin.

Hadalada uu adeegsanaayey waxaa kamida ahaa ” Dhaq-dhaqaaqa isbadel doonka Soomaaliyeed”

Dadka aqoonta u leh Maxamuud Axmed Kulalihi waxay ku sifeeyaan shaqsi ka dhawrsoon isdaba-marinta aana la gaban wax uu aamisan yahay, sidoo kale kale waa sharci yaqaan ku hadla illaa 6 luuqadood.

Hoolkii doorashada ayuu ka sheegay in la musuq-maasuqay kursiga uu u tartamay, wuxuuna eedayn kulul dusha uga tuuray gudigii heer Puntland ee maamulaayey Doorashadaas iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay ku lug lahaayeen musuq-maasuqa.

Daawo Kulalihi oo ka hadlaaya qaabka ay u dhacday Doorashadiisii

PUNTLAND POST