Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay markii weeraro ismiidaamina iyo toosba ah ay Al-shabaab ku weerareen Hotel can ah oo ku yaal magaalda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Weerarka ayaa subaxnimadii hore ee saaka bilaamay markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu galay iridda hore ee Hotel Dayax, oo ku yaalla meel u dhow xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ku taala bartamaha magaalada Muqdisho, ka dibna ay ay gudaha u galeen dabley hubeysan.
Qarax Labaad oo isna ka dhacey banaanka hore ee Hotelka ayaa waxaa ku dhaawacmay Wariyayaal, kadib markii gaari noociisu ahaa NOAH uu qarxay waxaana la sheegayaa in ciidamada ay markii horeba aad uga shakisanaayeen gaarigaas ayna ku amreen Wariyaasha in ay isaga fogaadaan.
Afar wariye oo u badnaa Sawir qaadayaal la shaqeeya Wakaalada Wararka Caalamka qaarkood ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, xili ay Wariyaashaasi ay muuqaalo ka duubayeen Weerarka waxaana dhaawacyadoodii la geeyey Isbitaalka Madiine ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.
Mohamed Ahmed oo ah Sarkaal sare oo ka tirsa Booliska ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in 13 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad rayid ay ku dhinteen weerarkaas, halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen, isagoo intaas ku daray in tirada dhimashada ay kici karto in ayintaas ka badato.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas waxaana sheegeen in dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmo kadib ay magaalada Muqdisho ka dhacdo Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST