Doorashada Gudoomiye ku Xigeenka Aqalka sare oo meel Xasaasi ah mareeysa

Waxaa Magaalada MuqdishO Ee Caasimada Soomaaliya ka socota Doorashada Gudoomiye ku Xigeenka 1-aad Ee Xubnaha Aqalka sare ee Dalka.

Waxaa iminka soo idlaaday wareegii 3-aad ee doorashada waxaana isugu soo haray labo musharax oo kale ah kuwaasi oo kala ah.

Xildhibaan Abshir Bukhaari oo helay  19-Cod  iyo Xildhibaan Dhagdheer 17-Cod.

Waxaa iminka laguda galay Wareeg 3- aad  waxaana haray Xildhibaan mashruuc oo oo keensaday 16-Cod.

Xilkdhibaan Bukhaari iyo Xildhibaan Dhag Dheer ayaa haldheeri ku kala bixi Doono Sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Sare.

Dad Badan ayaa saadaalinaya in Xildhibaan Abshir Bukhaari oo ka soo jeedo Gal-Mudug uu ku Guuleeysan Doono Xilkaasi inkastoo Doorashadu ay tahay Mid Xasaasi ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho