DAAWO: Puntland oo go’aan cad ka soo saartay Sarifka Lacagta

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari waxa kulan ku yeeshay Maamulka gobalka Bari,kan Degmada Boosaso, iyo xubno matalayey Ganacsatada Puntland kulankan waxa diirada lagu sarayey sidii wax looga qaban laha saru kac ku yimid sarifka doolarka.

Masuuliyiintan ka tirasan puntland ayaa go aan adag ka qaatay xad gonta lagu sarifayo lacagah waxana ganacsatad looga digay in ay jabiyaan Amarka ka soo baxay dawlada.

Dr Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Gudomiyaha Gobalka Bari ayaa sheegay inay Ciidamada soo qabteen lacago Been Abuura oo lagu khal khal galinayo Hormarka Ganacsiga Waxana lamaha Amaanka Barkantarolada ku sugan uu ku Amray inay baraan Babuurta Lacagaha falisada Bosaso soo galinaya.

Wasiirka Wasarada Maliyada Puntland Cabdilahi Sheikh Axmed ayaa shegay in Wasarada Maliyadu Ka hortagayso dadka bur burinaya dhaqalaha iyo Hormarka Puntland.

Dhowr jeero oo hore ayay Maamulka Gobalka Bari iyo Wasaradda Maaliyada Puntland ay Go Aankan oo kale ka soo Sareen Lacagta Qalaad hadana Waxaa modaa in Puntland ay Canshuurta Ku Qaado Lacagta Qalaad ee dalka Mareykanka Waxana Qiimo beel ku dhacaya Sarifka Lacagta dalkeena Hooyo ee Shilin Somaliga.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA;BOOSASO