Trum oo Saxiixay Go,aankiisii koowaad Iyo Banaan baxyo ka socda Caalamka

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donal Trum ayaa ku dhawaaqay go’aankiisii ugu horeeyay ka dib xil wareejintii ka dhacday xarunta aqalka cad ee magaalada Washington.

Trum ayaa saxiixay amar lagu badalayo hanaankii uu ku shaqeenayay barnaamij loogu magac daray madaxwaynihii hore ee dalka USA. kaa soo lagu magacaabi jiray Obama,waxuuna ahaa Barnaamij caymisa oo ka shaqeeya arimaha Caafimaadka.

Xafladii uu shalay ka jeediyay xil wareejintiisii ayuu ku sheegay inuu si wanaagsan u ilaalinayo xaquuqda dadka Maraykanka ah sidoo kale uu mudnaanta kowaadna siinaya.

Madaxawaynaha Maraykanka ayaa sidoo kale cadeeyay inuu waxbadan ka qabandoono shirkada dalkiisa oo uu sheegay in la dayacay.

Madaxwaynaha la doortay iyo Xisbigiisa ayaa balan qaaday inay la dagaalmayaan siyaasadii Obama,waxayna tilmaameen inay wax badan ka badali doonaan heshiisyadii uu saxiixay madaxwaynihii baneeyay xafiiska.

Tilaabadan uu qaaday Donal Trum ayaa ka mid ahayd balanqaad yadii uu ku dhawaaqay wakhtigii uu ku jiray Ollolahiisa  doorasho,waxayna noqonaysa qorshihii koowaad oo uu fuliya tan iyo wahtigii u la wareegay xafiiska Madaxwynaha dallka Maraykanka.

Dhinaca kale magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka iyo qaar kamid ah wadamada Caalamka sida Australia, New Zealand iyo Japan, ayaa waxaa ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo Donal Trum oo la sheegay inuu weerar ku qaaday haweenka caalamka.

Kumaanan qof oo u badan Dumar ayaa iskugu soo baxay magaalooyin ay ka mid tahay Sydney,waxayna iskugu yimaadeen safaaradaha uu Maraykanka ku leeyahay wadamada ay ka qabsoomeen banaan baxyada.

Dadka sameenaya banaan baxa ayaa wata boorar ay ku qoreen inaysan ku faraxsaneen guusha Trum,sidoo kalena ay ka xunyihiin khaladkii uu ka galay haweenka dunida Madaxwaynah dhawaan la doortay.

Waxaa kaloo jira isku soo baxyo ay abaabulayaan Haweenka UK,gaar ahaan dumarka ku nool magaalda Londan waxayna doonayan inay muujiyaan sida ay uga xunyihin arinta uu sameeyay Donal Trum.

Waxaa wali socda banaan baxyada  lagu dhaliilayo Donal Trum,waxaan la filayaa inay dhacaan in ka badan 700 oo isu soo baxyo dumar ay dhigayaan.

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
PUNTLAND POST