Gudoomiye Jawaari oo la Kulmay Musharixiinta Soomaaliya

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ahna Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa Maanta magaalada Muqdisho kula Kulmay Qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay arimo ku saabsan Doorashada Dalka Soomaaliya iyo sidii Doorashada Dalka Ay ugu dhici laheyd Qaab cadaalad ah.

Kulankan Markii uu soo Dhamaaday kadib waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiye Jawaari waxaana uu faah faahin ka bixiyay kulankaasi iyo wixii looga hadlayay.

Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Musharixiin u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimo Ee Dalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Codka Gudoomiye Jawaari

Hoos ka Daawo Sawirada 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho