Arday geeriyootay kadib markii uu Shil galay Bas ay la socdeen

Bas ay la socdeen Arday dhigata Dugsiga Sare ayaa xalay ku qalibmay meel ku dhow magaalladda Verona ee Waqooyiga Talyaaniga, waxaana Baska qabsaday Olol, kaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Hay’adda Adeegga Dab-damiska ee Talyaaaniga ayaa sheegtay inuu Baskaasi qalibmay saqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay ku dhinteen qaar ka mid ah Ardaydii la socotay.

Shabakadda Wararka ee Wargeyska Corriere della Sera ayaa qoray in 7 mayd laga soo saaray burburka Baska, lagana cabsi qabo inay tirada dhimashadda sii korodho.

Waxaa kale oo la sheegay in tiro dad ah oo ka mid ah rakaabka  la la’ yahay.

Wararka waxay sheegayaan inuu Basku herdiyey gaadiid badan, ka hor inta uusan ka hoobanin buur dhakadeeda.

Dhimashada waxaa la sheegayaa inay gaartay 37-qof oo u badan carruur, halka dhaawacuna gaarayo70-kale.

Warbaahinta Talyaaniga waxay sheegtay inay Baska la socdeen arday ay da’dooda u dhexeysay 14 ilaa 18 jir, kuwaasi oo ka soo laabanayey safar ay ku tageen dalka Hungary.

Dareewalka Baska oo u dhashay Daransiiska ayaa ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi.

PUNTLAND POST