Uganda oo ku Hanjabtay in ay u Aargudi doonto Askari u dhashay Dalkaasi oo ay Al-Shabaab Toogteen

Muuqaal Baraha Bulshada lasoo galiyay, ayaa laga daawaday askari Ugandes ah oo nin bastoolad wada uu xabado kaga dhufanayo wadnaha iyo madaxa.

Muuqaalka AL shabaab ay sii daayeen ayaa sidoo kale fariin weerar ah loogu diray Dowladda Kenya.

Taliyaha ciidanka Uganda Lt Col Paddy Ankuda, oo wariyaasha kula hadlayay Magaalladda Kampala ayaa sheegay in ay u aargudi doonaan ciidamada Uganda iyo shacabka dalkaasi.

“ Waan daawanay muuqaalka, waa wax aan la aqbali Karin, Al shabaab waxaa ay jabiyeen xeerka caalamiga ah, waa ay ka jawaabi doonaan dambiga ay geysteen,” ayuu hadlkiisa uu sii raaciyay.

Askariga, Pte Masasa, ee ka yimid deegaanka Busia, ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay koonfurta soomaaliya.

PUNTLAND POST