Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Magaalada Gaarisa

Lix maxaabiis oo lagu hayay xabsiga saldhiga Booliska ee Gaarisa ayaa baxsaday kadib markii ay ka boodeen darbiga dambe ee xabsiga.Lixda maxaabiis ee baxsaday ayaa kamid ahaa 21 maxaabiis oo ku xidhnaa saldhiga booliska ee magaalada Garissa.

Booliska magaalada Garissa ayaa bilaabay hawlgal balaadhan oo ay ku baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.Magacyada maxaabiista baxsatay oo da’adooda lagu sheegay inta udhaxaysa 15 jir ilaa iyo 21 jir ayaa la shaaciyay:-

Suleyman Maxamed
Anwar Saciid Maxamed
Mowliid Maxamed
Cabdi Muuse
Dida Maxamed iyo
Aadan Cumar

PUNTLAND POST