Gaari dad Shacab ah ay saarnaayeen oo Miino kula kacday Degmada Mahadaay

Wararka aynu ka heleeno Deeganada miir-taqwo iyo Biya cade ee Degmada Mahadaay ayaa sheegaya in wado isku xerta deegaanadaasi ay miino kula kacday Gaari nooca iska rogaha dhagaxa.

2-ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi Miino laba kalena waa ay ku dhaawacmeyn.

Mid ka mid ah laba dhaawa uu soo gaaray ayaa la soo sheegayaa in xaaladiisa ay aad u liidado.

Qof kusugan deegaanka Miir-taqwo ayaa sheegay in dadka dhintay marki hore ay soo gareen dhaawacyo culus balse ugu danbeyn ay u dhinteen dhaawacyadi.

PUNTLAND POST