Donald Trump oo Maanta loo dhaarinayo Xilka Madaxweynaha Mareykanka

Madaxweynaha  cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta si rasmi ah u noqdoona  madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, kadib marka uu xilka kala wareego madaxweyne Barak Obama.

Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa goob jog u noqon doonta xaflada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin  kalena ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.

Madaxweyne Obama iyo marwada koowaad ayaa Trump la raaci doona kolonyo baabuur ah oo lagu gayn doono US Capital oo xafladda rasmiga ahi ka dhici doonto halkaas oo ay iskugu imaan doonaan xubno ka tirsan Congress ka , siyaasiyiin iyo taageerayaasha Trump.

Madaxweynihii hore, Bill Clinton, iyo Hillary Clinton oo Trump doorashadii Noofambar dhacday kaga adkaaday ayaa iyagana la filayaa in ay ka qayb galaan.

Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John’s Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad, iyadoo xaflada  caleemo saarka lagu bilaabmi doontaa bandhig muusig ah.

Jawiga magaalada Washington DC ayaa la saadaalinaa in ay saaka ku waabiriisato Roob shuux shuux ah  iyo jawi qaboow.

PUNTLAND POST