Diyarado Dagaal oo Duqeeyay Fariisimo Al-Shabaab Sh/Hoose

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Duleedka Degmadaasi ay ka dhaceen Duqeymo xoogan, oo ay fuliyeen Diyaarado Dagaal.

Diyaaradahan Duqeymaha fuliyay oo joog hoose ku socday ayaa waxa ay si gaar ah u beegsadeen Degaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ku yaalla Duleedka Degmada Afgooye.

Maamulka Degmada Afgooye iyo saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in goobaha ay Diyaaradaha Duqeeyeen ay ku sugnaayeen Dagaalyahano Shabaab ka tirsan.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaareha ka dhashay Duqeymaha Diyaaradahan ay ka geysteen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

PUNTLAND POST