Al-Shabaab oo Weerar Saqdii Dhexe ku Qaaday Afgooye

Xarakada  Al Shabaab oo saqdii dhexe ee xalay weerar ballaaran ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa la soo sheegaya in dib looga riixay Degmadaasi.

Dagaaalamayaasha  Al Shabaab, ayaa waxaa ay beegsadeen fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmada Afgooye, iyadoona ay u suurta-gashay in ay gudaha u galaan Afgooye.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in Shabaabku ay si qarsoodi ah ku soo galeen Afgooye, iyagoo ka faa’iideystay biyaha Webiga Shabelle oo guray.

Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa yiri “Nimanka si dhuumaaleysi ah ayay ku soo galeen Degmada Afgooye, maadaama uu webiga guray. Dhulkii webiga ayay si hoose u soo mareen, sidaas ayayna Degmada Afgooye ku soo galeen.”

Cumar Maxamuud Cilmi, ayaa Ciidamada Dowladda ku ammaanay in si wanaagsan ay kaga hortaggeen Al Shabaab, isagoo intaa ku daray in Shabaab dib looga riixay Afgooye.

“Dagaal culus ayaa ka dhacay Degmada Afgooye, Ciidamada Qarankana runtii abaabul fiican bay sameeyeen, nimankii dib baa loo eryay. Hadana way degan tahay xaaladda.” Ayuu yiri Cumar Carabey oo ku sugan Afgooye.

Carabey, ayaa ka gaabsaday inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, ha yeeshee waxaa uu tibaaxay in ay dib ka soo faah faahin doonaan.

“Waxaan wadnaa baaritaano aan ku qiimeynayno khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay. Hadda kuuma sheegi karo inta uu khasaaruhu dhan yahay, balse dib baan idin kaga soo sheegi doonnaa.” Sidaasi waxaa yiri Carabey oo u waramay Mustaqbal

Suxufiyiinta Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaya in reer Afgooye ay xalay u ahayd habeen adag, iyagoona ku qalqalay rasaastii cusleyd ee dagaalka leesku adeegsaday.

PUNTLAND POST