Aargudasho mise Isbedel Siyaasadeed !!

Shiikhu wuxuu u raacaa labadooda magac micnaha darajada ay ka gaareen diinta Aabayaashood, Afguriga ay ku wada hadlaan, Halka Aftahinimo sareysa tahay sifooyinka ay iska shabahaan Xasan Shiikh iyo Shariif Shiikh Axmed oo hada labaduba ah musharaxiin saameyn culus ku leh doorashada Villa Soomaaliya.

Khudabadii Shariif Shiikh Axmed ee ugu danbaysay wuxuu mar kale dhaliilo adag oo gadmaya ugu jeediyey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo uu ku sheegay inuu fashilmay hogaaminta Dowlada Federalka Soomaaliya, Haddana iska daa doorashee aysanba ahayn inuu u tartamo xafiiska Madaxweynaha mar kale.

Hadalka Shariif Shiikh Axmed ayaa ahaa mid reebaya eedeymo culus Islamarkaana fariin u diraya Baarlamanka cusub ee Soomaaliya , wuxuuna ahaa hadal xiiso leh oo uu Shariif Shiikh Axmed si cad “ ANIGAA LA II DOORAN MADAXWEYNE EE OGAADA” ha u yiraahdo hadalkan si kaftan ah balse ma noqon karaa mid rumoobi doona,Daawo hadalkii uu yiri Shiikh Shariif.

Rajada Shariif Shiikh Axmed hadduu hadalkan u rumoobo , Iyadoo la ogyahay 2012 inuu kala wareegay xafiiska Madaxweynaha isla Xasan Shiikha uu eedeynayo oo ay hadda ku wada jiraan loolan adag oo loogu tartamayo xilkan, Haddaba ma la oran karaa mase lagu tilmaami karaa guusha Shariif Shiikh Axmed inay noqonayso Aargoosi aan micno badan ugu fadhiyin ISBEDELKA ay doonayaan UMMADDA SOOMAALIYEED ?.

Xil wareejintii 2012 Shariif Shiikh Axmed

Musawirka korre waa xilwareejintii 2012 ee dhex martay Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Dabcan Shariifku hadduu guulaysto 2017 Masawirka xita sidaan buu ku gali doonaa micnaha ma noqonayo mid ku cusub feylasha Villa Soomaaliya, Saxaafadda iyo Guud ahaan Indhaha Caalamka oo ay ugu horeyso Soomaalidu.

Dhanka kale markeynu ka eegno Ma kula tahay inuu yahay Shariif Shiikh Axmed shaqsi dan u ah Maslaxadda dalka iyo Dadka, Iyadoo laga eegayo taariikhdiisa iyo waxqabadkiisii horre, Kana soo bilowday 2006 oo uu soo galay Siyaasadda Soomaaliya ?.

Qore:- Abdiqani Abdulaahi (Irbad).

PUNTLAND POST