Xildhibaano Maanta lagu doortay Muqdisho

Doorashada xubnaha  Aqalka hoose ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya u matalaya Gobolada  Waqooyi ayaa maanta markale lagu doortay magaalada Muqdisho.

Saddex Xildhibaan oo kamid noqonaya Aqalka hoose ayaa kusoo baxay doorasho ka dhacday Xarunta gaadiidka Booliiska ee Degmada Cabdicasiis, Xildhibaanada maanta la doortay ayaana labo kamid ah horey uga tirsanaa Baarlamaankii hore.

Kursiga Kowaad waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir, waxayna heshay 48 cod,  iyadoo ka guuleystay Seynab Axmed Boqorre oo heshay saddex cod.

Kursiga Labaad ayaa isna waxaa ku guuleysatay Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo helay 50 cod, isagoo kag Guuleystay  Maxamed Iidle Kheyre oo helay hal cod.

Kursiga Seddexaad ayaa ugu danbeyn waxaa ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil oo helay 51 cod, isagoo ka guuleystay Jabriil Sacad Muuse.

Tirada xubnaha Aqalka hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa haray hal mudane,  halka xubnaha Baarlamaanka Aqalka sarena ay ka dhiman yihiin labo mudane oo lagu muran sanyahay.

PUNTLAND POST