Xasan Sheekh oo kulan laqaatay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta

Maxaweynaha Xilku ka dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan looga hadlayay sidii looga qeyb-geli lahaa gurmadka abaaraha la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga gurmadka Abaaraha heer Qaran ee Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa joogay, safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Abaaraha heer Qaran, iyadoo diiradda lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka  timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka tirsan guddiga heer Qaran ee abaaraha ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay .

Xaaladda Abaarta waxaa la sheegay in shan Milyan oo dad Soomaaliyeed  ay saameyn doonto haddii aanan si dhaqso ah looga jawaabin xaaladdaasi adag oo ka taagan gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

PUNTLAND POST