Wiil Soomaaliyeed oo dhibaatooyin u geysan Jiray muhaajiriinta oo maxkamad lagu soo taagay Talyaaniga

Dacwad-oogayaasha Talyaaniga ayaa soo dhamaystiray Warbixin ka kooban 40-bog oo muujinaysa Tacadiyo uu geystay Nin Soomaali oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud oo 22-jir ah, kaasi oo la shaqeysan jirey Kooxaha Ma-gefayaasha Liibiya.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Qaxooti ahaan bilowgii bishii September ee sannadkii hore  dooni ku soo galay Jersiiradda Sicily ee Talyaaniga, waxaana isla bishaas 26-da  lagu qabtay Xero ku taalla magaalladda Milan, kadib, markii ay aqoonsdeen dadkii Dhibanayaasha ee uu ku soo  waxyeeleeyey gudaha dalka Libya.

Dhowr haween Soomaali ah ayaa u sheegay Baarayaasha Talyaaniga inuu kufsaday Eedeysanahaasi oo ka tirsanaa Kooxda Ma-gefayaasha Liibiya ee Tahriibayaasha ku tacdiya, waxayna intaasi ku dareen in Cusmaan Maxamuud ku khasbay inay Reerahooda la hadlaan, si loo bixiyo lacag madax furasho oo dhan 7,000 oo Dollar.

Eedeysanaha ayaa la tilmaamay inuu dadka Tahriibayaasha ku dhibatayn jirey Xero ku taalla Degmadda Bani Waliid oo 100-mayl dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalka Libya ee Tripoli.

Dacwad-oogyaasha waxay  Eedeysanaha ku tilmaameen  sidii Waardiye ka shaqeeya Xeradda Naaziyiinta ee ay dadka ku hayn jireen.

“Ma ahi Somali, ma ahi Muslim, waxaan ahay Madaxdiina” ayuu yiri Eedeysanaha sida ay ka soo xigteen Qaxootiga markii ay gaareen Xeradda Ma-gefayaasha ku leeyihiin Liibiya.

Qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaalida waxay Eedeysanaha ku tilmaameen Arxan-laawe tacadiyo u geystay, iyadoo mid ka mid ah Qaxootiga tilmaamay inuu Baco Balaastiko ah dhabarka kaga dhalaalin jirey Qaxootiga.
Gabar da’da Tobanadka ku jirta ayaa u sheegtay Dacwad-oogayaasha Milan inuu dhowr jeer ku kufsaday Xeradda Ma-gefayaasha Liibiya, halka gabar kale oo 17-jir ah  sheegtay inta ay Qoyskeeda la halgamayeen  Lacagaha Madax-furashadda inuu Eedeysanaha ku khasbay inay la seexato, isla markaana uu dhibaateeyey habeenkaas.

Faysal Caabi Shaafici oo isaga muddo 2 bilood ku xirnaa Xeradda Ma-gefayaasha ku leeyihiin Degmadda Bani Waliid ee Libya ayaa sheegay inuu Eedeysanuhu si joogto ah ugu jir dili jirey bir weyn, isla markaana laadi jirey.

“Hal waqti ayuu si xun ii garaacay dhowr jeer ilaa aan ka hunqaaco dhiig” ayuu yiri Faysal Caabi Shaafici oo intasi ku daray inuu Eedeysanuhu ku goodin jirey in la dilayo Tahriibayaasha, haddii ay Waalidkooda ku fashilmaan inay Lacago u soo diraan Ma-gefyaasha.

Dhinaca kale, Madaxa Baarayaasha Dembiyadda ee magaalladda Milan ee dalka Talyaaniga, Ilda Boccassini waxay tilmaamay in Eedeysanahaasi hororka ah aqoonsadeen ugu yaraan 10 Markhaati oo kala duwan.

Ilda Boccassini oo leh Khibrad 40-sanno, isla markana ka qeyb gashay Dagaalka lagula jiray Maafiyadda Talyaaniga ayaa sheegtay inaysan marnaba la kulmin Horornimo noocan ah oo ka socota Xeradda Bani Waliid  iyo dhamaan Xeryaha Transit-ka ee ku yaalla dalka Libya.

Dembi-baarayaal kale oo lagu kala magacaabo Francesco Greco iyo Marcello Tatangelo ayaa sheegay inay Xeryaha Libya yihiin meel ay qiimaha nolosha ka hooseyso Eber iyo in Xeryaha Tahriibayaasha lagu hayo la mid tahay Xeradda Naasiyiinta dadka ku silcin jireen.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanaha Cismaan Maxamuud oo haatan ku jira Xabsiga ayaa la filayaa in berrito oo Jimco ah mar kale su’aalo la weydiiyo, isagoo loo haysto dilka 4 Tahriibayaal, Kufsi-wadareed, Jir-dil iyo Afduub.