Senegal oo ciidamo geysay xadka Gambia, si cadaadis loo saaro Yahya Jammeh

Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay tallaabo ka qaadi doonaan Gambia, haddii aan madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin inuu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore ee ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal.

Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay imaadeen xudduuda Gambia, sidoo kale Nigeria ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka.

Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, inay qaadaan tallaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.

Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga soo saaray iyagoo lagu soo qaaday diyaarado qaas ah.

PUNTLAND POST