60 ruux oo ku dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Mali

Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 115 kale weerar ismiidaamin ah  oo shalay oo Arbaco ah lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Mali.

weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari bambaano lagu xiray oo lagu dhex qarxiyey xerada militariga ee ku taal magaalada Gao oo ah magaalada ugu weyn Waqooyiga Mali. Waana weeerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalkaasi Maali.

Wasiirka arrimaha dibadda Mali, Abdoulaye Diop ayaa weerarkaaasi ku tilmaamay danbi fulaynimo iyo waxshinimo ah, wuxuuna sheegay in Mali ay sadex maalmood u baroordiiqi doonto askarti ku dhimatay weerarka, isaga oo wacad ku maray in lasoo qaban doono kuwi ka danbeeyey lana ciqaabi doono.

Koox xagjir ah oo xiriir la leh ururka al-Qaida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkaas.

PUNTLAND POST