Xaalada Caafimaad ee Degmada Qandala oo Liidata

Qandala-[Puntland Post] Xaalada Caafimaad ee dadka degan degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa si aad ah looga dayrinayaa waxana la sheegay in halkaasi ay ka dilaaceen Xanuuno kala duwan oo saamayn ku yeeshay dadka deegaanka .

Gudoomiyaha degmada qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed Khuurshe oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay inay xiligan dadkii shacabka ah ay saamayn ku yeesheen xanuuno halkaasi ka dilaacay.

Wasaarada Caafimaadka Putland ayuu baaq u diray gudoomiyaha degmad Qandala isagoona sheegay in ay gurmad Caafimaad ay la soo gaaraan, maadam aysan shaqayn xarumihii caafimadka ee degmada Qandala oo ka tirasan gobalka Bari.

Dhawaan ayey ahad marki Ciidamada Puntland ay ka sareen kooxo taabacsan Ururka Daacish degmada Qandala waxaana dagaaladaasi samayn ku yeesheen xarumihi Caafimaadka ,Waxabarshada ,iyo saldhigii ciidanka ee degmada Qandal ku waas oo xiligan gabi ahaanba shaqayn.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,XAFIISKA BOOSASO