Sheekh Shariif: Qabyo Ninkeedaa Dhamaystira si qaldan buu u Adeegsaday Xasan Sheekh

Muqdisho-[Puntland Post] Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soa laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya ayaa ka hadaly xaalado badan o la xiriira maraxalada uu dalku hada ku jiro.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xasan sheekh Maxamuud uu ku fashilamay balan qaad yadisi ahaa in dalka uu gaar siiyo marxalad fiican taa badalkeedana uu ugu badalay is qabqab si colaad sokeeye oo uu ku dhex abuuray shacabka somaliyeed.

Dib u dhac ku yimid Doorashada Madaxweynaha soomaaliya ayuu ka hadlay Madaxweynhi hore ee soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxana uu sheegay dub u dhacan marwalaba ku imanaya ay tahay mid lagu  lun sanayo hantida shacabka soomaliyeed .

Qabyo ninkeeda dhamystira oo hal hays u ah Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku tilmaamy mid uu si qaldan u isticmaalayo macanaha saxda ah uu ku sheegay in loo adeeg sado ay tahay Qof wax lagu khas bayo balse Xasan Sheekh Maxmuud kursiga uu ku fadhiyo uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay ku Aamineen.

Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sida o kale sheegay in xiligan uu dalku u baahan yahay hogaamiye daacad ah oo shacabka Soomaaliyeed oo mudada sodonka sano ah ku jiray maraxalad adag kasaara.

Xildhibaanada ayuu ugu baaqay in ay doortaan Hogaamiye dalka wax u qaban kara oo ay iska fogeeyaan laa-luusha ay musharixiinta qaar ku bixinyaa sidii ay u heli haayeen kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST