Juurile oo Beeniyey in uu u Sharaxanyahay Gudoomiyaha Aqalka sare

C/risaaq Xasan Cismaan (Juurile) oo kamid ah Xubnaha Aqalka sare ee  dalka  ee dhawaan lasoo doortay oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay cida u tartami karta Kursiga Guddoonka Aqalka Sare.

Xildhibaanka C/risaaq Xasan Cismaan (Jurile)  ayaa sheegay in awood qeybsiga dalka uu dhigayo in xilka guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka la siiyaa beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somaliland.

“Awood qeybsiga dalka waxa uu dhigayaa in kursiga Guddoonka Aqalka sare la siiyo beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Somaliland, waan maqlayay dad dhahaya Juurile ayaa u sharaxan xilkaas kadib kulan uu la qaatay beelaha Puntland kasoo jeeda,warkaas waa been”, ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan (Juurile).

Waxaa haatan guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka sare ee dalka ay qabanayaan araajida mushariinta u taagan xilka, Gudoomiyaha Aqalka sare  dalka iyo ku-xigeenadiisa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho