Gudoomiye Jawaari oo la kulmay Safiirada Sacuudiga iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa maanta xafiisiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo, kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya  Soomaaliya iyo Midowga yurub,  dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliyeed.

Danjira Midowga Yurub Mrs Veronique  Lorenzo ayaa guddoomiyaha  Barlamaanka Soomaaliya ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in  kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan Barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya ay ka  jirto abaaro saameeyey dad badan oo  reer miyi ah  marka laga yimaado ariimaha doorashooyinka Midowga  Yurubna looga bahan yahay in  gacan ku siyaan dowladda Soomaaliya siduu  gurmad lagu samata bixinayo dadkaasi loogu samayn lahaa.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhinaca kale  kulan  is barasho iyo salaam ah  la yeeshay safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat, waxa ayna  ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka iyo iskaashiga walaalnimada ee ka dhaxeeya Barlamaanada labada dal iyo  sidii ay gacan  walaltinimo kaga gaysan lahaayeen dowladda Sacuudiga  abaaraha ka jira dalka Soomaaliya

Safiirka Cusub ee Dalka  boqortooyadda Sacuudi Carabiya Dr Maxamed Al Khayat ayaa   ugu horayn guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Salaan uu kaga waday  boqorka Sacuugiga guddoonsiiyay,waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqayn doono  sidii loo dhisi lahaa guddiiyo isku dhaf oo ka dhaxeeya Barlamaanada Sacuudiga iyo Soomaaliya,  dowladdiisuna ay gacan ka gaysan doono arrintaasi.