Garowe:-Ajaaniib u mahadceliyay Shacabka iyo Xukuumadda Puntland

Dad u dhashay Qowmiyadda dalka Yemen ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland, Shacabka Garowe iyo Maamulka Gobolka Nugaal gacantii ay ka siiyeen aasitaanka labo qof oo u dhashay Yemen oo shil gaari maalin ka hor ugu geeriyooday duleedka magaalada Garowe.

PUNTLAND POST  ayaa maanta gudaha magaalada Garowe kula kulantay masuulka ugu sareeya Qaxootiga Yemen ee Gobolka Karkaar Islam Cabdalle Saciid oo kazoo qeyb galay Aasida labada Marxuum oo kala ahaa Wiil iyo Gabar u dhashay dalka Yemen.

Islaam Cabdalle ayaa sheegay inay ahaayeen labada marxuum ee ku dhintay shilka Gaari lamaane is qaba, Wuxuuna uga mahadceliyay sida shacabka iyo maamulkuba uga qeyb qaatay Aasida labada marxuum iyo Guud ahaanba sida loogu soo dhaweeyay Puntland tan iyo intii ay kazoo carareen dagaalada ka socda dalka Yemen.

Daawo ISLAM CABDALLE

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST