Dowlada Jarmalka oo Jubbaland ka taageeraysa dhismaha Ciidanka

 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch iyo ku xigeenkeeda iyo Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo xubnahan ay hormuudka u ahayd Safiir Jutta Frasch ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in baahiyaha ugu badan ee deeganka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Xiryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay ay ka codsanayaan Beesha Caalamku in ay wax muuqda kala qabato.

Dowlada Jarmalka ayaa dhinaca kale Jubbaland kala shaqaynaysa dhismaha iyo tayaynta Ciidamada qalabka sida iyo dhamaystirka Xarunta dhaqan celinta Maleeshiyadka iyo sidoo kale caawinaysa dhismaha Xarunta Ururka Haweenka iyo waxyaabo kale oo adeegyada Bulshada ah.

“Jarmalku kaalin weyn ayay ku lahayeen Hormarka Soomaaliya wakhtigii Dowladii dhexe Aniguna waxaan wax ku bartay Iskuul farsamada gacanta ah oo Jarmalku ay maamulayeen” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale Madaxweynahe Axmed Madoobe ayaa safiir Jutta Frasch ku bogaadiyay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan isagoo sheegay in Jubbaland ay dhawaan qaadayso duulan lagu xoraynayo qaybaha Gobolka ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Dowlada Jarmalkana ay doorkooda ka qaadan doonto.

 


PUNTLAND POST