Agaasimaha laanta socdaalka Gobolka Bari oo lagu xiray Garowe

Agaasimaha Laanta Socdaalka Gobolka Bari

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Axmed Dhega-dheere ayaa maanta lagu xirey saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ka dib amar aan qoraal wadan oo kazoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay.

Agaasimaha laanta socdaalka Gobolka Bari ayaa Buuhoodle uga yimid safar uu kaga soo qeyb galay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii horre ee Laanta Socdaalka Buuhoodle iyo Masuul cusub oo xafiiskaasi howshiisa inuu sii wado lagu soo wareejiyay.

Lama oga sababta uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu u amray in lagu xiro Garowe Agaasimaha laanta socdaalka Gobolka Bari.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST