84 MUDANE OO KA TIRSAN BAARLAMANKA KOONFUR GALBEED OO MOOSHIN KA KEENAY SHIRIIF XASAN SHEEKH AADAN

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay  Mooshin ka keenayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed  oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Koonfur Galbeed Shirif Xasan Sheekh Aadan.
84 mudane oo ka tirasan xildhibanada koonfur galbeed ayaa moshinkan ka wada madaxweyne Shirif Xasan Sheekh Aadan.
iyagoona ku tilmaamay in labdii sano ee uu xilka hayey uu san qaban wax muuqda o uu u qabto shacbka maamulka koonfur galbeed.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST