Wasiir Katirsan Maamulka Galmudug oo is casilay

C/qaadir Maxamed Aadan(Cabdul) oo ahaa Wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug, ahaana sii hayaha xilka wasiirka wasaaradaasi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Galmudug.

Wasiirkan ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in aysan jirin horusocod maamulka uu go’aansaday inuu isaga tago xilka, madaama horey wasaaradda qorsheynta uga tageen wasiirkii wasaaradaas Mudane Maxamed Cilmi Afrax iyo wasiiru dowlihii wasaaradaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Dhanka kale Mudane C/qaadir Maxamed Aadan(Cabdul) aya sheegay in warqada uu shaqada kaga tagay uu u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa haatan laga sugayaa in uu soo magacaabo Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post