Gudoomiye Jawaari oo ka qeyb galay kulan looga hadlayo Xaalada Abaareed ee ka jirta Dalka

Kulan balaaran oo ay ka qeybgaleen masuuliyin ka socota labada Aqal ee barlamanka dowlada Federaalka Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’adanimada oo lagu Daahfurayay Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya 2017 ayaa maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Masuuliyinta kale oo ka qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya oo sabatay inay ku xoolo beelaan dad badan oo Soomaaliyeed oo sanadka hor ahaa dad wax heeysta hadana ah ceyr ah kaddib markii ay xoolihi dhaafeen.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’adaha Bani’adminimada ka shaqeeya ee soo bandhigay qorshahaan lagu gargaarayo dadka ay Abaarta saameeysay oo gaaraya 3.9-milyan oo qof oo soomaali ah.

Waxayna ka dalbadeen beesha caalamka in ay taageero la garab istaagaan si ay u caawiyaan dadka duunyada inta badan ay dhaaftay ayaga qarka u saaran in ay macluul u geeriyoodaan.

Hay’adahan waxa ay dalbadeen lacag gaareeysa $864-Milyan oo dollar si gar gaar loola gaaro dadka Soomaaliyeed oo haatan abaaruhu ay ku saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya Prf Jawaari oo shir gudoominayey kulanka ayaa sheegay in manta lag bilaabo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Mxamuud uu yahay Musharax islamarkaan uu xilka la wareegi doono Prf Jawaari.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST