Ciidamada Puntland oo Howlgalo ka sameeyey Bosaso

Bosaso-[Puntland Post ] Ciidamada dawladda Puntland ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo daganaanshaha ka wada magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyey dil shalay galab ka dhacay gudaha magaaladaas Boosaso ee xarunta gobalka Bari.

Ciidamada ayaa saaka howlgaladoodan ka wada xaafado kamid ah magaalada, iyadoo sidaas oo kale ay baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha lugeynayaba wadooyinka Boosaso.

Ciidamada ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya goobo laga shakisan yahay, iyadoo ay warar soo baxaya ay sheegayaan in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen dad la tuhmayo.

Baaris ayaa lagu hayaa dadka la qabtay, waxaana kadib lahorgeyn doona Cadaaladda, haddii lagu helo dambiyada loo haysto.
Hawlgaladan ay wadan ciidamad Puntland ay wadan ayaa si socon dona malmaha inagu soo adan sida ay noo xaqijiyeen masuuliyiin ka tirasan Puntland.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,XAFIISKA BOOSASO