Ciidamada Burundi oo ka Baxaya Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP  ayaa sheegtay in Madaxtooyada Burundi ay si rasmi ah uga codsatay wasaaradaheeda difaaca iyo arrimaha dibedda, in ay billaabaan hannaanka ay ciidankeedu  uga baxayaan AMISOM.

Qorshaha ay Burundi kula baxayso ciidankeeda ayaa ka dhashay markii uu Midowga Yurub joojiyay mushaaraadkii uu dowladda dalkaasi u mariyo ciidankeeda  ka tirsan AMISOM, ka dib markii doorashadii dalkaas ka dhacday 2015 ee ku guuleystay Madaxweyne Pierre Nkurunziza Pierre ay u dhacday si aan dastuurka waafaqsanayn.

Gaston Sindimwo oo ah masuul sare oo ka tirsan Dowlada Burundi oo lahadlaayey wakaaladda wararka ee AFP ayaa yiri: “Waxaan go’aansanay in aan bilowno hannaanka la bixitaanka ciidankeeda, arrintaasi oo aan mar hore shaacinay, maadaama aanay askarteena kasii mid ahaan karin AMISOM iyaga oo aan wax mushaar ah qaadan.”

Sanadkii hore Midowga Afrika ayaa ku gacan sayray go’aanka uu Midowga Yurub uu ku joojiyay lacagta mushaarka ah ee ciidanka Burundi uu u mariyo Dowladooda.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee ciidamada ugu badan kaga jiraan AMISOM, waxaana Soomaaliya ka jooga 5,400 oo Askari, waxayna mushaar ahaan uqaadan jireen Bishii lacag dhan 5 milyan oo Euro.

PUNTLAND POST