Xubno Aqalka Sare ee Maamulka Somaliand oo Muqdisho lagu dooranayo

Xarunta Gaadiidka Booliska Degmada C/casiis waxaa maanta dib ugu bilaabanaya doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Woqooyi Somaliland ka imaanaya, kadib markii hakad la galiyay mudooyinkii dambe khilaaf jira awgii.

Maanta waxaa lagu tartamayaa ilaa 3-kursi, xubnaha tartamaya ayaa u badan kuwo dhalinyaro ah oo ku cusub siyaasadda.

Kursiga kowaad waxaa ku tartami doona

Xuseen Ceelabe Faahiye
Maxamed Aadan Waaberi
Axmed Cabdi faahiye
Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Kursiga Labaad waxaa ku tartami doona.

Hodan Abuukar Xasan
Deeqo Xasan Xuseen
Amran cilmi fariid.
Kursiga Saddexaad waxaa ku tartami doona.

Cumar Maxamed Aadan
Nuuro Faarax Jaamac
Caasho Axmed Cabdalaah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post -Muqdisho