Wasiirka Haweenka Puntland oo hadal ka jeedisay shir ka furmay Dalka Jordan

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland, Anisa Haji Muumin oo dalka Jordan uga qeyb galaysa shir caalami  ah oo looga hadlayo sidii loo horumarin lahaa haweenka: suggida xaquuqdooda,iyo in si gaara loogu xisaabtamo baahiyahooda.

Shirkan oo ah mid diirada lagu saarayo maxaa u qabsoomay wadamada dagaalada sokeeye ka dhaceen, siday dowladdaha wadamadaa ka jira ay u kabteen, siyaabaha kala duwan ay u hormariyeen waxna uga qabteen baahiyaha dadkooda. Wadamada kala ah Somaaliya, Iraq, Afghanistan, South Sudan iyo Timor-Leste oo ku taala Koonfurta Aasiya.

Wasiir Anisa ayaa si qaas ah uga hadashay in loo baahan yahay dhaqaale lagu difaaco dhibanayaasha, laguna kaalmeeyo danyarta, loona baro say isugu filaan lahaayeen iyo in ay macquul tahay in ummaddu ka kabsato burburka keena dagaalo sokeeye.

Wasiir Anisa Xaaji Muumin ayaa sidoo kale cadaysay in Puntland ay tusaale u tahay horumarka lagu talaabsaday. Waxay hayadaha caalamiga kula talisay in wakhti iyo dhaqaale dheeraada la galiyo suggida nabadgelyada iyo difaaca haweenka si loo yareeyo tacadiga, loo kobciyo tacliinta, iyo kaabida awoodooda dhaqaale.

Waxaa shirka kasoo qeyb galay xubno ka kala socday New York, South Sudan, Sierra Leone, Somalia, Palestine, Afghanistan, Italy, iyo Syria, Xilli lagu ogaanayo shirkaan horumarka dalalka horey u burburay oo soo kabanaya iyo hadii ay tusaale u noqon karaan wadamada haatan dagaaladu ka aloosan yihiin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST