Trump oo Jarmalka ku eedeeyay qaabilaada Qaxootiga soo gala Yurub

Madaxwaynaha dhawaan loo doortay  dalka Maraykanka  Donald Trump ayaa ku ee deeyay madaxda Jarmalka gaar ahaan hogaamiyaha dalkaas Angela Merkel inay samaysay  khalad aad u wayn ka dib markii ay dalkooda u ogolaaden inay soo galaan Qaxootiga ka soo cararaya wadamadooda.

Trump oo wareysi siiyay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa wuxuu fahafaahin ka bixiyay siyaasadiisa arrimaha dibedda.waxuuna sheegay in Mrs Markel ay tahay hogaamiyaha ugu muhiimsan Qaarada Yurub,balse waxuu ku dhuliilay inay dalkeeda u fasaxday inay ku soo xaroodaan Qoxooti badan oo dhibadan u gaystay qaarada Yurub.

Dhanka kale,Trump ayaa ka hadlay arimo ku saabsan ganacsiga aduunka waxuua sheegay inuu doonayo sidii uu waxbadan uga balilahaa hashiisyada Ganacsiga Maraykanka uu la leeyahay wadama caalamka.

Madaxwaynaha la doortay ayaa sidoo kale sheegay inuu heshiis la galidoono wadanka Ruushka kasoo ku saabsan sdii loo yareen lahaa samaynta hubka niyuukleerka, taas badalkeedana uu Maraykanka xanimaada ka qaadi doono xukummada Moscow.

Hogaamiyaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay arinta gaashaanbuurta NATO,waxuuna u soo jeediyay wadamada ku midaysan NATO inay ku bixiyaan dhaqaalo badan.

PUNTLAND PSOT
Maxamed Cabdicasiis Dhuubka