LABO ASKARI OO GABAL DHICII GALABTA LAGU DILAY BOSASO

BOSASO-[Puntland Post] Nin Baastoolad ku hubaysnaa ayaa galabta galinkii dambe magaalada Boosaaso ku toogtay laba Askari oo ka tirsanaa ciidanka amniga Puntland.Alle ha u naxariistee askarta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed  Jaamac Xirsi yo Bashiir Maxamed C/raxmaan, kana mid ahaa Ilaaladda Bangiga dhexe ee Dowladda ayaa wararku sheegayaan in dablaydii dilka gaysatay ay goobta ka carareen.
Gacan ku dhiiglaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana uu dilka ka mid noqonayaa dilal horay uga dhacay Boosaaso.

Laamaha amniga oo Warbaahinta Puntland Post ay wax ka waydiisay dilkan ayaa ka gabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan, waxaa ay kuso koobeen jawaab celintooda inay hawlgalo wadaan oo ay jawaab bixin doonaan
Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganancsiga Puntland ayaa waxaa horay loogu dilay Taliye ku xigeenkii saddexaad ee ciidanka Booliska Puntland, Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso iyo Xeer Illaaliyihii Maxkamada ciidanka qalabka sida.

lasoco wixi faah faahin ah insha alah

CABDIQANI BOS 

PUNTLAND POST ,XAFIISKA BOOSASO