Diyaarad kuwa Xamuulka ah oo ku Burburtay Dalka Kazaqistan

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo ku wajahneed garoonka Mans ee dalka Kazaqistan ayaa gabi ahaanba bur-burtay iyada oo ugu yaraan ay ku dhinteen 20 ruux oo saarnaa kuwaa oo intooda badan daganaa halka ay diyaarada ku burburtay xili ay isku dayeysay in ay degto.

Maamulka Garoonka ayaa sheegay in diyaaradu caga dhigan rabtay balse ay joogsan weysay taa oo ka sooo socdaashay magaalada Istanbul kuna sii wajahneed magaalada Hong-hong ee dalka shiinaha.

Burburka diyaardan ayaa sidoo kale saameeyay dhismaha ugu yaraan 15 guri sida uu sheegay gudoomiyaha maareynta masiibooyinka iyaga oo xusay Haween iyo caruur in ay u badnaayeen dadka qaasarahan uu soo gaaray oo kor u dhaafay dhowr iyo 20 ruux.

PUNTLAND POST