Dagaal Xalay ku dhexmaray Buralayda GALGALA Ciidamada Puntland iyo AL-SHabaab

Af-Urur-[Puntland Post]:- Deegaanka Af-Urur oo ku dhaw Buralayda Galgala oo ka tirasan gobalka Bari,  ayaa waxa uu xalay dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirasan Puntand iyo Ururka Al Shabaab sida ay goob joogayaal u xaqiijiyen warbaahinta Puntland Post.

Dagaalkan ayaa yimid kadib werar ay ku soo qadeen Maleeshiyaad ka tirasan Ururka Al-Shabaab Saldhig Ciidamada Puntland ay ku lahayeen deegaankasi kadibana uu ka dhacay werar sababay dhimasha iyo dhaawaca.

Wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkasi waxase dadka degaanku ay Puntland Post u sheegen in dagaalka la isku adeeg sanayey hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay wali deegankasi ka wadan hawlgalo lagu xaqiijinayo Aagii xalay dagaalku ka dhacay.

Masuuliyiinta gobalka Bari, oo aanu isku daynay in anu wax ka waydiino dagaalka ayaa ka gaab saday in ay wax faafaahin ah ka bixiyaan.

Wixii dagaalkasi ka soo kordha la soco Puntland Post insha alah 

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST