Ciidamada AMISOM oo gaari Shacab ah ku Jiiray duleedka Muqdisho

4 Qof oo shacab ah ayaa ku dhintay halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen degaanka Calamada ee duleedka muqdisho, kadib markii  gawaari ay wateen Ciidamada AMISOM ay Ku jiireen Gaari Caasi ama BL ah Oo marayay Wadadaasi.

Gaariga Caasiga ayaa halkaasi ku burburay Waxa uuna kusii jeeday muqdisho isaga oo ka baxay Degmada Afgooye , halka Gawarida AMISOM y ka yimaadeen Caasimada Muqdisho .

Ciidamada AMISOM ayaa tacadiyo ka geeysta wadanka Soomaaliya iyaga oo jiira Gaadiidka iyo dadka rayidka ah ee wadada maraya.