37 qof oo ku dhintay diyaarad ku soo dhacday Kyrgyzstan

Uga yaraan 37 Qof ayaa ku dhintay diyaarad maanta ku soo dhacday Kyrgyzstan,tiro intaas ka yarna way ku dhaawacmeen,waxyana dadka dhintay intooda badan joogeen meshii ay diyaarada kubur burtay.

Diyaarad oo ahayd mid qaada dadka xamuulka ah ayaa laga lahaa dalka Turkiga waxyna ka soo duushay magaalada Hong Kong ee dalka China.

Ku dhawaaad 15 Guri iyo Baabuur aya ku bur-buray sidoo kalena waxaa ku dhintay caruur ku noolaa tuulo ku taalay meel u dhow garoonka Manas oo 25km dhinaca waqooyi ka xigta magaalo madaxda Bishkek.

Diyaaradan oo nooceedu yahay Boeing 747 TC-MCL, oo ay lahayd shirkada ACT Airlines ayaa soo dhacday ka dib markii cayryaamo ka jirtay garoonkii qorshahu ahaa inay ku soo degto.

Shirkada ACT oo laga lee yahay dalka Turkiga ayaa fadhigeedu yahay magaalda Istanbul waxaana la sheegay inay shaqaynaysay ku dhawaad 14 sano.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Muhammetkaly Abulgaziev oo la hadlay Telefishinka ayaa sheegay sida ay wax u dhaceen,waxuuna cadeeyay inay diyaaradu dhacay ka dib markii uu duuliyaha khalad samayay.


PUNTLAND POST
Maxamed Cabdicasiis Dhuubka