Koox hubeysan oo ganacsade caana ku dishay Suuqa Bakaaraha

Ala Ha  u Naxariistee waxaa Goordhaweyd Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaanoMaalin-taajir lagu dilay Ganacsade Cusmaan Dheere oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in nin hubeysan uu dhowr xabadood ku dhuftay islamrkaana si dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha Caafimaadka,waxaa la xaqiijiyay daqiiqado kadib in uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Ganacsade Cusmaan Dheere oo 28/11/2016-kii ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa la sheegay in ay soo gaarayeen digniino  kala duwan oo kaga imaanayay kooxo aan la aqoonin halka ay ka tirsan yihiin, balse Cumar ayaa la sheegay in uu ku adkeystay in uusan ka bixin doonin shaqooyinka uu hayo.

Ala H u Naxariistee Ganacsade Cusmaan Dheere ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqsiyaadka  u ololeynayay xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug, inkastoo walaalkiisa uu xildhibaan u rabay uusan u helin.

Xasan Maxamed samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho