Dangoronyo oo lagu qabtay Kal-Fadhigii 14-aad ee golaha deegaanka

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 15-January-2017 magaalda Dangoronyo lagu qabtay munaasabad lagu daah furay Kal-fadhigii 14-aad ee golaha deegaanka degmada Dengoronyo,waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudhah,gudoomiyaha gobolka Nugaal,Duqa degmada Dangoronyo,Xildhibanada golaha deegaanka iyo qaar kamid ah waxgaradka Degmada.

Kal-fadhigan oo socon doona shan cisho ayaa looga hadli doonaa arimaha deegaanka,Caafimaadka,Waxbarashada,Abaaraha iyo Miisaaniyada degmada.waxaana kulanka lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka cusub iyo shaqooyinkay qabteen mudadii ay joogeen xafiiska.

Gudoomiyaha degamda Dangoornyo Mukhtaar Cabdiraxman Axmed ayaa Kal-fadhiga ka hor akhriyay waxqabadka sadexdii bilood ee la soo dhaafay waxuna sheegay inay wax badan ka qabteen arimaha Waxabarashada,Caafimaadka,Nadaafada iyo Abaaraha ka jira degmada,Sidoo kalena waxuu kulankan ku soo bandhigay arimaha u qorsheesan inay qabtaan Lixda bilood ee soo socda,waxuuna tilmaamay inay wax ka qabandoona arimaha Amaanka,Caafimaadka,waxbarashada iyo naqshadaynta magaalada.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Farawayne ahna gudoomiyaha 9-Gobal ee Puntland ayaa u mahad celiyay gudoomiyaha iyo golihiisa deegaan sida ay uga sheqayeen xaalada abaaraad ee ka jirtay iyo deegaanada ku xeendaaban, waxuuna u soo jeediyay inay sii badiyaan howlahooda shaqo si loo gaaro hormar dhinac walba ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha gudaha Dowladaha Hoose iyo Hormarinta Reer miyiga Puntland HRM Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa dhankiisa soo dhaweeyay waxabadka maamulka degmada Dongoronyo waxuuna bogaadiyay sida ay u soo dhawayeen dadkii ku soo hayaamay goobihii uu Roobku qabtay.

Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay in degmada Dangoronyo loo qorshaynayo in lagu soo daro mashruuca JPLG ee hormarinta degmooyinka,waxuuna tilmaamay in shaqaalaha loo qaban doono tobobaro la xariiri sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen barnaamijyada lagu hormarinayo degmada loona fahansiinayo qaabka ay u wada shaqeeyaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Maamulada Dowlada Hoose.

Waa Kal-fadhigii 1-aad oo ay yeeshaan maamulkan cusub waxayna tariikhda noqonaysa kulankii 14-aad oo ay iskugu yimaadaan golaha deegaanaka ee degmada Dangoronyo intii ay degmada yeelatay gole deegaan.


PUNTLANDPOST.COM
Maxamed Cabdicasiis dhuubka