Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane : Kucelis Gabay Puntland Post lagu daabacay 18 may 2002

Tixdaan gabeyga ah waxaa Puntland Post Website soo gaarsiiyey abwaan Cumar Cabdinuur Nuux 15/05/2002, waxaana website-ku daabacay 18/05/2002. Puntland Post wuxuu go’aansaday in uu akhristayaashiisa aan berigaa akhrisan gabaygaan uu fursad u siiyo maanta 15/01/2017.

Tixdaan gabeyga ah waxaa curiyey Cumar Cabdinuur Nuux – 10/05/2002. Wuxuu welwel kamuujinayaa in xornimadii naf iyo maalba aabbayaasheen u hureen ay si fudud faraheenna uga sii sibxaneyso. Haddii aan rag kale u istaagin intay goori goortahayna saadaashu aysan fiicneyn.

Gabay uma dhaqaaqeen haddan dhiillo ii imane
Dhabta iyo xaqiiqada jirtee dhogortaan ii yeeshay
Dhiraandhiriska caawana murtida dhinac yar aan jeexo

Ma an dhalan markii gobonnimada dhiiga loo huraye
Geed dheer rag baw fuulayoo dhaxan usoo jeeday
Dhaadadka rag baa loo jaroo jeelka loo dhigaye
Hoo yoo dhan baa nalakuyiri dhayda xoorta lehe
Hayeeshee inaan dhawrno oo dhaqanno waan diidnay

Dhaxal nimuu lahaa diidanyahay bay ka dhigantaaye
Dhurwaa maqal xannaanee layiri dhaqanki weeyaane
Ma dhursuge masoo dhaanshe iyo mahad masoo dhiibe
Dhankastood ka eegtaba tolkay wax isma dhaamaane

Wixii dhiiglahow kaca rag baa dheel uyiri waaye
Dad aan dhago laheyn baa kolley dhaanto loo tumaye
Dhakafaarka waxaa iigu wacan dhamanadaan heysto
Dhawaaq kale kuceli baan lahaa dhimatay maandeeqe
Ku dhaqaaji baan yara lahaa dhoohanow nacase
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

Dheef iyo haddii ay rabaan dharag maguurtaan ah
Dhulku waa barwaaqoo kufilan dhuuni raacyada e
Hadday dhagaxa hoosiyo qotaan dhoobadiyo ciidda
Ama ay kalluun dhoofiyaan moosku waa dherege
Gaajada waxay ugu dhinteen waa dhugmo la’aane
Dhiigooda kii jaqahayey dhabarka saaraane
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

Dharaarkasta kun baa dhimata oo haadka loo dhigiye
Dhiilana madaayaan haddana dhac iyo boob taagan
Gacmahaas isdhaafdhaafayiyo dhagarta miisaaman
Dhanka looga soo maqanyahana dhaayo uma yeelan
Dhalanteed ayaa loo arkaa dhamaca qiiqaaya
Anigaa isdhibayee tolkay wax isma dhaamaane

Dhallaankiyo masaakiinta iyo umul madhaafaane
Dhaqan iyo xishood waa horaa dhabarka loo jeedshay
Dhalan roganka duulkaan ku dhacay ma aha dheeldheele
Dhulkii loo yaqaannaa rag kale dhiil u culayaaye
Dharbaaxada waxaa ugu hayaa waa Tigreey dhabahe

Dhimashadu marbay ina abtow nolosha dhaantaaye
Dhaqdhaqaaq xornimodoon haddaan dhidibta loo aasin
Bilowgii dhammaadkeenna baan meel dhow ka arkaaye
Dhaxalkii awoowgeen ogow inaan ku dhaantaynay!!!

Gabaygan waxaa tiriyey:
Cumar Cabdinuur Nuux
omarabdinur@hotmail.com

FIIRO GAAR AH: Fadlan wixii faalo ah oo ku saabsan Gabaygan kala xiriir Abwaan Cumar