Wasiirka Hawlaha Guud oo iclaamiyay doorashada gadiidleyda Puntland

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa uga hadlay shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Doorashada iskaashatada gadiidka Puntland, Fariin uu u direy Hay,addaha Amnigu inay u fududeeyaan wado marista baabuurta xamuulka ee sida Reer Guuraga Hayaanka ah iyo Go,aan uu kasoo saaray qaadashada aqoonsiga darawalnimada Puntland.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in bisha 3aad ee soo socota qabsoomi doonto doorashada gudoonka Iskaashatada Gadiidleyda Puntland, Wuxuuna faray dadka raba inay u tartamaan Doorashada Gudoonka Gadiidleyda Puntland in looga baahan yahay inay soo gaarsiiyaan xafiisyada Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka Puntland Barnaamijkooda musharaxnimo iyo macluumaadkooda CV.

Wasiir Cabdirashiid ayaa uga digay Darawalada aan haysan Kaarka Aqoonsiga wadista inay gawaari ku kaxeeyaan gudaha Puntland, Wuxuuna sheegay ciddii lagu qabto Iyadoo bilaa License inay muteysan doonto ganaax iyo ciqaab xarig ah.

Ugu danbeyntii Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Puntland ayaa farey hay,addaha Dowlada inaan wax shuruud ah lagu xirin hawl socodsiinta iyo daabulida xoolaha iyo dadka tabaaleysan Islamarkaana gacan lagu siiyo gadiidka xamuulka ee ka shaqeynaya.

Daawo Shirka Jaraa,iid ee Maanta Wasiir Cabdirashiid.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST